Dagaalkii ugu waynaa ee lagu furtay dhulka Ciraaq iyo Faaris waa Duulaankii Al-Qaadisiya oo uu hogaaminayey saxaabiga Sacad ibnu abu Waqaas. Muslimiintu guul wayn ayey kasoo hooyeen dagaalkan waxaana loogu yeedhaa Guusha guusheeda maxaa yeelay wixii ka danbeeyey dagaalkan dawlada Faarisiyiintu waxay ka baxeen Ciraaq waxayna aadeen wadamad Iiraan, Afghanistan iyo Turkuminstan.